Mahantidaydaa mise waa Aamaano !!!!!!!

 

Lacagtaydii ayaan ku iibshay Dukaankaygii !!!!!!!!

Nin dukaan yar haysta ayaa waxaa uyimid nin socota ah wuxuuna ka codsaday inuu dukaanka ka iibsho , ninkii dukaanka lahaana waa ogolaaday inuu dukaanka ku wareejiyo  hadii uu siiyo lacag u dhiganta lacagtii kagabaxday dukaanka . goortii ay xisaabtameen ninkii dukaanka lahaa wuxuu sheegay in bishii uu ka faa’iido $500 dukaanka , lacagta uu siinayo dukaankiisuna ay tahay  $10000 , qiimihii way ku heshiiyeen , ninkii socotada ahaa wuxuu dhahay hada lacagtaas  ma helikaro balse aynu mudaysano lacagtaasana waxaan ku bixin 2sano iyo bil,  wuxuu intaas ugu daray inta lacagtaas aan kasoo dhamaystirayo dukaanka adigaa maamulaya oo gacanta ku haynaya mushahar $100 ahna waan kugu siin , ninkii si kalsooni ku jirto ayuu u aqbalay.

Ninkii socotada ahaa wuxuu dhahay hada kadib shaqaale ayaa tahay lacagta fa’idada aha ee dukaanka  $100 oo mushaharkaaga ah kala har intakalena ii keen , sidaasna way ku heshiiyeen, ninkii dukaanka lahaa wuxu bilkasta u geeyaa $400 oo fa’iidadii ah ninkii socotada ahaa, markii mudadii dhamaatayna ninkii socotada ahaanuu ay lacagtii uu ururinayay gaartay $10000 , wuxu lawareegay dukaankii lacagtiina wuu baxshay .

Waa fikir qoraaleedkii dhacdo u eg  ee   Abdiqani beerdhige